Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyo Wasiirkii hore ee wasaaraddaas, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood).

 

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday caasimadda Muqdisho, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil sare oo wasaaradda ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu la yimaado hufnaan, daacadnimo iyo dadaal shaqo, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday. Sidoo kale, waxa uu ammaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ka mid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah horumarka dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-soo-nooleynta warshadihii dalka iyo kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, si loo xoojiyo dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee GanacsigaMay be an image of one or more people, suit, newsroom, dais and textMay be an image of textMay be an image of one or more people and text

_______

This article is a summary of an original report. Full credit goes to the original source. We invite our readers to explore the original article for more insights directly from the source. (Source)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *